Xabad-joojintii 3aad oo la dhex-dhigay Azerbaijan iyo Armenia

Published: October 26, 2020

Waxaa maanta markii sadexaad la isku dayayaa in la dhaqan geliyo xabad joojin si fursad loosiiyo wadahadalka labada dal ee dagaalamayey asbuucyadii lasoo dhaafay.

Dowlada Maraykanka oo waan waan ka dhex wada labada dhinac ayaa sheegtay in xabad joojintan maanta ay dhaqan-geli doonto xili ay horey u fashileen laba mar oo la isku dayey in lagu guuleyso xabad joojin iyo dhex dhexaadin ay wadeen Ruushka.

10kii bishan Oktoober ayaa Moscow looga dhawaaqay xabad joojintii ugu horeysay kadib markii ay halkaasi ku kulmeen Wasiirada Arrimaha Dibada ee Ruushka, Azerbajian, Armenia iyo Russia.

Xabad-joojintii labaad ayaa lagu dhawaaqay asbuuc kahor balse taasi ayaa dhaqan gashay muddo daqiiqado ah oo kaliya, waxayna labada dhinac dib u bilaabeen duqeynta.

Khalid Yusuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *