Xafiiska Xuquuqda Aadanaha Puntland Oo Ka Hadlay Dilal Ka Dhacay Boosaaso iyo Garoowe

Published: November 1, 2020
Siciid Cabdi Muumin, Guddoomiyaha Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland

Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland ayaa ka hadlay baarista gabadh maydkeedka laga helay xaafadda kamid ah magaalada Boosaaso iyo kaaliye ka tirsanaa maxkmadaha ciidanka Puntland oo lagu dilay Garoowe.

War qoraal oo kasoo baxay xafiiska difaacaha xuquuqda Aadanaha Puntland ayaa lagu sheegay inuu xafiisku si madax-banaan ula socon doono baarista gabadha maydkeeda laga helay Boosaaso iyo kaaliyaha lagu dilay Garoowe, si ay cadaalad u helaan.

Sidoo kale xafiiska xuquuqda aadanaha Puntland ayaa ka hadlay gabadh lagu magacaabo Shukri Axmed oo ku xiran degmada Dangorayo, taas oo cabashadeedu soo gaartay xafiiska.

Hoos ka akhriso:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *