Xaflada Xuska 62-guurada Ciidanka Xooga dalka oo dalka laga xusaayo

Published: April 12, 2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo marti sharaf kale ayaa ka qeyb galay Munaasabadda Xuska 62-guurada ka soo wareegtay aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo lagu qabtay xarunta Wasaarada gaashaandhiga ee Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa salaan ka qaatay cutubyada kala duwan ee ka tirsan ciidamada dowlada Soomaaliya isagoona khudbad uu soo jeediyey uga hadlay taariikhda ciidamada iyo aasaaskoodii.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment