Xagee lagu qabanayaa Doorashada Gudoonka Golaha shacabka?

Published: April 24, 2022

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Guddoonka Golaha Shacabka Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa shaaciyey goobta la qorsheeyey in lagu qabto doorashada Guddoonka golaha shacabka.

Gudoomiye Cabdirisaaq ayaa sheegay in Shaqadii loo igmaday ee doorashooyinka Guddoonka intooda badan ay soo geba-gabeeyeen, isaga oo intaas ku daray in dhamaan musharrixiinta guddoonka Golaha Shacabka ay khudbadahooda musharraxnimo jeediyeen, wuxuuna xusay in shaqada hadda harsan ay tahay in la qabto doorashada guddoonka.

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa sheegay in doorashada Guddoonka Golaha Shacabka laga bedelay halkii ay ka dhici laheyd ee Xarunta Villa Hargeysa loona bedelay hoolka Afisiyooni.

Sababta looga badalay Villa Hargeysa ayuu ku sheegay inay tahay in munaasabadda ay kasoo qeyb geli doonaan mas’uuliyo badan sidaas darteedna loo baahan yahay meel wada deeqi karta sida uu hadalka u dhigay.

Doorashada Guddoomiyaha oo ay isku soo taageen illaa 8 murashax ayaa la filayaa in la qabto 27-ka bishan, si dardar geliyo dhammeystirka doorashada Soomaaliya ee 2022-ka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *