Xalane oo Bandow Lagu Soo Rogey

Published: April 10, 2022

Qoraal ka soo baxay hawlgaka kala-guurka ee Midwoga Afrika ATMIS ayaa lagu sheegay in xarunta Xalane bandow lagu soo rogey laga bilaabo maanta 10 Abril ilaa 16 bishan. Bandowga ayaa la xiriira adkeynta iyo bedqabka xarunta Xalane.

Banodwga ayaa saameynaya dhamaan ganacsiga, dhismayaasha socdey, duulimaadka iyo dhaq-dhaqaaqyada kale ee ka jirey Xalane.

Arrimahan ayaa imaanaya iyada oo ay taagan tahay xiisadda ka dhalatey go’aankii raysalwasaaraha xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble oo dalka kaga cayriyey ergayii hawlgalka AU u qaabilsanaa Soomaaliya, taas oo Madaxweyne Farmaajo kaga horyimid, halka Midowga Afrika ay soo dhaweyeen go’aanka Farmaajo oo ay walaac ka muujiyeen go’aanka Rooble.

Sidoo kale waxay ku soo beegmeysaa iyada oo Ciidanka Xoogga dalku u diyaar garoobayo dabaaldega 12 Abril.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *