Xamaas oo gantaalo ku duqeysay Tel Aviv

Published: May 27, 2024

Xamaas ayaa sheegtay in ay gantaalo ku garaacday Tel Aviv Axadii, markii ugu horeysay muddo afar bilood ah iyadoo kooxda Falastiiniyiinta ay doonayeen inay muujiyaan awood ciidan xili ay Israel weeraro ka wado waqooyiga iyo koonfurta Gaza.

Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in siddeed gantaal la aqoonsaday iyagoo ka soo gudbaya aagga Rafah, cirifka koonfureed ee marinka Qaza halkaas oo Israa’iil ay kasii waday duulaanka inkastoo ay Maxkamadda Adduunka Jimcihii lasoo dhaafay amar ku bixisay inay Israel joojiso weerarrada ay ku hayso Rafah.

In ka badan 35 qof ayaa ku dhintey duqeyn ay xalay saqdii dhexe Israel la beegsatay xero baro-kacayaal oo ku taal waqooyiga magaalada Rafah, waxaana duqeyntaasi ka dhashay dab qabsaday teendhooyinka shacabka jiifeen, inta badan dhaawaca iyo dhimashada ayaa ahaa caruur & haween.

Dhinaca waqooyiga Gaza, waxaa weli uu dagaal xoogan ka socdaa xerada Qaxootiga ee Jabaliya, halkaasi oo ay todobaadyadii lasoo dhaafay ay dib ugu xoogeysteen dagaalyahanada Xamaas.

Horseed Media