Xamaas oo sheegtay in ay diyaar u tahay ‘heshiis’ haddii Israa’iil ay joojiso dagaalka

Published: May 31, 2024

Xamaas ayaa Khamiistii shalay u sheegtay dhexdhexaadiyayaasha inaysan ka qayb qaadan doonin wada xaajoodyo dheeraad ah inta uu socdo duulaanka Israa’iil, laakiin waxay diyaar u tahay “heshiis dhamaystiran” oo ay ku jiraan in la is dhaafsado la haystayaal iyo maxaabiis haddii Israa’iil ay joojiso dagaalka.

Wadahadallo ay garwadeen ka ahaayeen Masar iyo Qatar oo lagu doonayay in xabbad joojin laga dhex dhigo Israa’iil iyo dhaqdhaqaaqa Islaamiga ee Xamaas ayaa marar badan hakad galay iyadoo labada dhinacba dhinaca kale ku eedeeyeen burburka wadahadalka.

Hadalkii ugu dambeeyay ee Xamaas ayaa yimid iyadoo Israa’iil ay sii waday duulaanka ay ku qaadayso koonfurta Gaza ee magaalada Rafah, inkastoo ay amartay maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ) oo ah maxkamadda sare ee Qaramada Midoobay inay joojiso weerarada.

Horseed Media