Xamse Cabdi Barre oo Midowga Yurub kala hadashay xoojinta taakuleynta ay siiyaan Soomaaliya

Published: November 27, 2022
Shares20

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa qaabilay Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya, Tiina Intelmann.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Danjiraha ka hadlay xoojinta taakuleynta ay siiyaan Soomaaliya ee dhinacyada arrimaha bini’aadanimada, horumarinta iyo xasillinta deegaannada la xorreeyay.

Danjiraha ayaa sheegtay in Midowga Yurub ay ka go’an tahay sii wadida taakuleynta dhinacyada kala duwan ee ay siiyaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Midowga Yurub doorka ay ka qaataan dowlad dhisidda iyo mashaariicda horumarineed, waxa uuna tilmaamay in deegaannada laga xorreeyey Al-shabaab ay maanta u baahan yihiin gurmad degdeg ah iyo in la gaarsiiyo adeegyada aasaasiga ah.

Horseed Media