Xamse Cabdi Barre oo saraakiisha ciidanka ee Aadan-yabaal kulan la qaatey

Published: August 30, 2023
Shares24

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa gaaray taliska ciidamada Xoogga Dalka ee degmada Aadan Yabaal, halkaas oo si diirran ay ugu soo dhaweeyeen Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Raysalwasaare Xamse ayaa warbixino ka dhegaystey saraakiisha ciidamada xoogga kuwaas oo ku jira wejiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada al-Shabaab.

Xamse Cabdi Barre ayaa mudada uu joogo Aadan Yabaal u kuurgeli doona isbeddellada nololeed ee ka jira deegaannadii laga saarey argagxisada, oo ay ka mid tahay degmada qadiimiga ah ee Aadan Yabaal, isla markaana kulamo gaar ah la yeelan doonaa qeybaha kala duwan ee bulshada iyo Taliska Ciidanka X.D.S ee laga hoggaamiyo dagaalka ka socda Galmudug iyo Hirshabelle ee lagu sifeynayo argagixisada.

“Halgankan aad dhiigga badan u soo hurteen lama aqbali karo in la majo xaabiyo, cid walba waa lagula xisaabtamayaa masuuliyadda saaran, idinkuna waxaad tihiin geesiyaal diyaar u ah duruufta ugu adag in ay kula dagaalamaan cadowgooda, waxaad u dhimanaysaan, u- gaajoonaysaan waa waddankiina oo aad cadowga ka difaacaysaan”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa oo meel fagaaro ah kula hadlayay ciidamada

Waa safarkii labaad ee uu Ra’iisul Wasaaruhu ku tago degmada Aadan Yabaal tan iyo markii laga saarey al-Shabaab.

Subaxnimadii saakey waxaa warbaahinta soo gaarey in raysalwasaaruhu kuwajahan yahay Mahadaay.

Horseed Media