Xamse Cabdi Barre oo shacabka ugu baaqay inay ka qeyb qaataan dagaalka dib-u-xoreynta

Published: October 22, 2022

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasme Cabdi Barre, oo maanta ka qeyb galay munaasabad lagu xusayay shuhadadii ku shahiiday dagaalka dib-u-xoreynta, gaar ahaan nabadoon Cilmi Hagar Guure iyo nabadoon Hibaad Cali Dasar, ayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in si wadajir ah looga qeyb qaato halganka dib-u-xoreynta.

“Waxaan madaxda Soomaaliyeed iyo shacabkaba farayaa in ay si isku mid ah uga qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah nabad-diidka, Ruux walba dhaqaale ahaan, cudud ahaan iyo niyad ahaanba waa in ay uga wada qeyb-qaataan xoreynta dalkeenna iyo dadkeenna”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse.

Munaasabadda xuska oo ay soo qabanqaabisay wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta, ayuu Ra’iisul Wasaaruhu ka sheegay muhiimadda uu xuskani u leeyahay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

“Nabadoon Cilmi Hagar Guure iyo Hibaad Cali Dasar oo shihiiday iyaga oo kor yeelaaya sharafta ummadeenna iyo qiimaha diinteenna suuban. Shihiid walba oo inooga shihiida dagaalka aynu kula jirno Khawaarijta, Xaq-udirir walba oo ku dhaawacma, ku xoola waaya iyo ruux walba oo u dhibtooda muddada kooban ee aynu dagaalka kula jiri doono kooxda khawaarijta ah, wuxuu bilad sharaf weyn ka heli donaa Dowladda iyo dadkeenna qiimaha badan” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

“Waxaa muuqata in dalka lagu xoreyn karo intii la filayay waqti ka yar. Dagaalka aan khawaarijta kula jirno, dadka ayuu badbaadinayaa, khasaaraha iyo dhimashada dadka Soomaaliyeed ayuu yareynayaaye ma badinayo. Hadii aan dagaal kula jirno shan sano ah, lix sano dagaalka foolka foolka ah inta nooga dhimata iyo inta Soobe kaliya nooga dhimatay hadii la is barbar dhigo, inta Soobe nooga dhimatay ayaa ka badnaan doonta”, ayuu raaciyay Ra’iisul Wasaaruhu.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku celiyay in qorshaha 1aad ee xukuumadda Dan-qaran uu yahay sugidda amniga iyo xoreynta dalka, qorshahaas oo hadii lagu guuleysto horseedaya in dhamaan qorshayaasha kale ee horumarineed la fuliyo.

Ra’iisul Wasaaraha oo munaasabadda ka sheegay in dalka uu ku jiro dagaal dhab, dadka Soomaaliyeed-na laga doonayo in yeeshaan dhaqan dad uu dalkoodu dagaal dhab ah ku jiro, dul qaataan oo ka fogaadaan waxyaabaha ay dowladdu mamnuucdo, una hoggaansanaadaan amarrada dowladda ee qeybta ka qaadanaya in guul laga gaaro dagaalka.

Horseed Media