Xarunta cusub ee Wasaarada Qorsheynta Puntland oo xariga laga jaray

Published: April 18, 2022

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta xarigga ka jaray dhismaha xarunta cusub ee Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta dhaqaalaha iyo Xiriirka Caalamiga ah.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa boggaadiyay shaqada wanaagsan ee la qabtay iyo sida wakhti kooban loogu soo dhameystiray dhismaha cusub ee xarunta Wasaaradda Qorsheynta, oo loo dhisay hab casri ah, waana tallaabo lagu horumarinayo adeega Dowladnimo ee Bulshada loo hayo.

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoonka Golaha Wakiilada Dowladda Puntland , Xildhibaano ka mid ah Baarlamaanka DFS, Masuuliyiinta Wasaaradda Qorsheynta, goleyaasha Dowladda iyo marti sharaf kale.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *