Xarunta howl-gallada gurmadka deg-degga ah oo la hoos geeyey hey’adda SODMA

Published: December 3, 2022
Shares96

Xarunta howl-gallada gurmadka deg-degga ah oo horey u hoos tegi jirtay Xafiirka Ra’iisul Wasaaraha, ayaa maanta la hoos geeyey hey’adda maareynta musiibooyinka ee (SODMA).

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa ka qeyb galay munaasabad xaruntii qaran ee how-gallada gurmadka deg-degga ah lagu hoogeeyey SODMA

Ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa tilmaamay in hey’adda maareynta musiibooyinka qaranka ee (SODMA) la aasaasay sannadkii 2011, iyadoo dib loo howl geliyay kadib markii la dhisay xukuumadda Dan-qaran, ujeeddada loo hoos geeyayna ay tahay ah in sare loo qaado, lana mideeyo dadaallada maaraynta musiibooyinka iyo arrimaha gurmadka deg-degga.

“Waxaan ku raja weynahay Hey’adda maaraynta musiibooyinka qaranka (SODMA) inay ka jawaabto, unu diyaar garowdo musiibooyinka dhaca. Waxaan idinku boorrinayaa inaad noqotaan xarun aqoon iyo karti ku shaqeysa”

Munaasabadda ayaa waxaa soo agaasimay Hey’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka, waxaana ka soo qayb galay Wasiiradda Arrimaha Gudaha, Wasiiru-Dowlaha Gaashaandhigga Wasiiru-Dowlaha Madaxtooyadda, Wasiiru Dowlaha Amniga iyo Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaaraha.

Horseed Media