Xarunta Ilaalada Xeebaha oo xariga laga jaray

Published: March 31, 2022

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa maanta xarigga ka jaray Xarun Cusub oo loo dhisay Ciidanka Ilaalada Xeebaha ee Booliska Soomaaliyeed, oo laga hirgeliyey gudaha Dekedda Muqdisho.

Xaruntan Cusub oo ah mid muhiimad u leh Ciidanka Booliska iyo ilaalinta amniga xeebaha Soomaaliya, ayaa qayb ka ah dadaallada lagu tayaynayo Ciidanka Booliska, laguna xaqiijinayo nabad gelyada xeebaha Jamhuuriyada.

Xaruntan waxaa dhaqaalaha ku baxay dhismahaeeda bixiyey Midowga Yurub.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *