Xasan Sheekh muxuu kala hadley culimada uu la shiray?

Published: February 10, 2024

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada kulan wadatshi ah kula qaatay qaar kamid ah culimada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa uga warbixiyey culimada uu shirka la qaatey mudnaanta uu siinayo in dalka laga xoreeyo argagixisada Alshabaab, xoojinta midnimada iyo xal u helidda caqabadaha dib u dhigay dalkeenna.

Madaxweynaha ayaa culimada Soomaaliyeed ku bogaadiyey sida ay uga go’an tahay ina ku dhiiiradaan mujinta been abuurka ka dhanka ah diinteenna suubban ee Islaamka oo argagixisadu ay ku xalaashadeen dhiigga dadka Soomaaliyeed, waxa uuna xusay doorka taariikhiga ah ee culimada Soomaaliyeed ay ku leeyihiin toosinta dowladnimada iyo difaaca dalka.

Culimada kulanka ka qaybgalay ayaa la wadaagay Madaxweynaha talooyin ku aaddan dowlad dhiska, horumarinta dalka iyo la dagaallanka fikirka xagjirnimada ah, iyaga oo soo bandhigay sida ay u garab taagan yihiin dadaallada dowladda.

Kulanka Culimada ayaa ku soo beegmaya maalinkadib markii wasaaradda Diinta iyo Aw-qaaftu ay ku dhawaaqdey qiimaha laa doonaayo qofka doonaaya in uu guto acmaasha Xajka.

Horseed Media