Madaxweyne Xassan Sheekh oo booqasho ku tegay Xarardheere iyo Ceeldheer oo ka tirsan Galmudug

Published: April 1, 2024
Shares26

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maanta gaaray magaalada Xarardheere ee Gobolka Mudug, taas oo ka dhigan markii ugu horeysey tan iyo markii laga xoreeyey Al-Shabaab.

Madaxweynaha waxaa safarkiisa ku wehlinayay madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor, wasiirada Gaashaandhigga, arrimaha gudaha, saraakiil ciidan iyo xildhibaano.

Madaxwaynaha ayaa watey diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Helicopter.

Madaxweyne Xasan ayaa meel fagaare ah kula hadlay dadka shacabka ah waxaana uu ku amaanay sida ay u difaacdeen magaalada oo ay uga difaacdeen argagxisada al-Shabaab, wuxuuna sheegay in garabka dowladda ay ku sugnaan doonaan magaalada soona celinayaan adeegyadii bulshada.

“Dalkeenna maanta waxaa uu cagta saaray dhabbaha horumarka iyo kobaca bulshada, taas waxa suurageliyey waa idinka oo habeen iyo maalin u taagan difaaca dalka, bulshada Xaradheere gaar ahaan geesiyaasha difaaca shacabka iyo Ciidamada Qalabka Sida waxaad muujiseen nafhurnimo waana miraha aan rabno in mustaqbal ay harsadaan ubadkiinna iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed”, ayuu yiri Madaxweyne Xassan Sheekh.

Degmada Xarardheere ee gobolka Mudug waxaa todobaadkii hore dagaal ku soo qaadey al-Shabaab, dagaalkaas oo si xun loogu jabiyey. Xarardheere sanad ka hor ayaa laga xorreeyay kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab, iyadoo u eheyd meel istiraatiji oo ay kaga duuli jireen gobolada Galguduud iyo Mudug.

Sidoo kale Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa isla maanta booqdey degmada Ceeldheer ee gobolka Galguduud, halkaas oo uu kula hadley ciidamada dowladda, kuna dhiiri geliyey dagaalka ay kula jiraan argagsixisada

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dib ugu laabtey arrimihii ciidanka kadib markii afartii cutub ee u horeysey dastuurka la meel-mariyey.

HORSEEDMEDIA