Xeer Ilaalinta Qaranka Oo U Yeertay Wasiirka Batroolka Dalka

Published: April 21, 2022

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa u yeeray Wasiirka Wasaaradda Betroolka & Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Cabdirashiid Maxamed Axmed.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Xeer Ilaaliye Suleymaan Maxamed ayaa waxaa loogu yeeray Wasiirka inuu tego Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Maalinta Isniinta ah oo ay taariikhdu ku beegan tahay 25-ka bishaan Maarso 2022.

Waxaana Wasiirka wax laga weydiin doonaa Heshiiska uu saxiixay ee dhexmaray, Wasaaradda Batroolka & Macdanta ee DFS iyo Shirkadda Coastline Exploration Limited.

Hoos ka akhriso:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *