Xeer ilaaliyaha guud ee Iran oo sheegay in ‘booliska anshaxa’ la kala diray

Published: December 5, 2022
Shares32

Iran ayaa kala dirtay waxa loogu yeero booliiska anshaxa, sidaas waxaa sheegay xeer ilaaliyaha guud ee dalka Iran Mohammad Jafar Montazeri. Arrintan ayaa timid ka dib labo bilood oo mudaaharaadyo dalka oo dhan ah. Waxaa loo arki karaa tanaasul uu sameeyay taliska Iran.

Montazeri waxa uu sheegay in bilayska akhlaaqda aanay wax shaqo ah ku lahayn nidaamka garsoorka ee Iran sidaas darteedna la kala diray.

Mudaaharaadyada ayaa billowday ka dib markii haweeney da’yar oo ka soo jeeda qawmiyadda Kurdiyiinta oo lagu magacaabo Mahsa Amini ay ku dhimatay gacanta booliska anshaxa, bishii Sebtember 2022.

Booliska anshaxa waxa la aasaasay sanadkii 2005tii waxaana uu si toos ah u hoos imanayey madaxweynihii mayalka adkaa ee Mahmoud Ahmadinejad. Ujeedada bilayska anshaxa ayaa ahayd inay kor u qaadaan “dhaqanka iyo xijaabka”, bilayska anshaxa ayaa gaaf wareegi jirey waddooyinka si ay u ogaadaan anshax-xumada.

Rag iyo dumarba waxay ku jiraan bilayska anshaxa, haddii ay damcaan in ay qof xiraan wuxuu inta badan u dhacaa qaab rabshado ah.

Haweenka da’da yar ee Iran ayaa safka hore kaga jira bannaanbaxyada. Haweenka banaanbaxa dhigay ayaa ku qeylinayay ereyo ka dhan ah dowladda, timaha ayey waddooyinka isaga xiireenn, isla markaana madaxa ka furteen khimaarkii, kadibna ay gubeen.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa shalay sheegay in Baarlamaanka uu ka fiirsanayo in dib u eegis lagu sameeyo sharciga muranka dhaliyay ee ah in haweenka ay asturaan timaha, isla markaana ay xirtaan dhar aan muujin karin qaabka jirkooda.

Hanad Askar
Horseed Media