Xidhibaanada DDSI oo Xubinadii kala laabtay shakhsiyaad ka tirsanaa xisbiga

Published: August 27, 2018

Xildhibaanada Baarlamaanka dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa cod aqlabiyad leh u qaaday Madaxweynaha cusub ee dowlad deegaanka Mustafa Muxumed Cumar Cagjar, kadib kulan gelinkii dambe ee shalay ay ku yeesheen Jigjiga.

Xildhibaanada ayaa kulanka ay ku yeesheen Jigjiga sidoo kale xubinimadii xisbiga kala laabtay 7 xubnood oo ka tirsanaa golaha xisbiga dhexe ee dimuqraadiga shacabka Soomaalida Ethiopia.

Waxa ay kaloo sheegeen in degmooyinkii iyo goboladii la magacaabay ilaa 1-dii August ay yihiin kuwa sharci daro ah, islamarkaana la doonayay in lagu burburiyo nidaamka dowliga ah, loogana soo horjeeday ammaanka.

Dhinaca kale Baarlamaanka dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegay in Madaxweyne Mustafa uu yahay xubin sare oo ka mid ah xisbiga talada haya ee EPDRF oo ah kan haya talada Itoobiya.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *