Xiisada diblomaasiyadeed ee Brazil & Israel oo sii xumaaneysa, kadib markii Brazil ay dib ugu yeeratay Safiirkeeda

Published: February 20, 2024

Madaxweynaha Brazil Luiz Inacio Lula da Silva ayaa u yeeray safiirka dalkiisa u fadhiya Israa’iil Isniintii, saacado ka dib markii wasiirka arrimaha dibadda ee Israa’iil Katz uu ku dhawaaqay in Madaxweyne Lula uusan imaan karin Israel, iyadoo ay sii kordhayso xiisadda u dhexeysa labada dal.

Wasiirka arrimaha dibadda Brazil, Mauro Vieira ayaa u yeeray safiirka Brazil u jooga Tel Aviv, Frederico Meyer, ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalkaas.

Isniintii, Israa’iil waxay sheegtay in Lula aan lagu soo dhawaynayn dalkooda ilaa uu ka noqdo hadaladiisa ee uu isla barbardhigga Xasuuqa Israa’iil ka wado Gaza iyo xasuuqii yuhuuda ee Holocaust.

Madaxweynaha Brazil, Lula ayaa cambaareeyay weerarkii 7-dii October kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas ay ku qaadeen Israa’iil, kuna tilmaamay fal “argagixiso” balse waxa uu sidoo kale dhalleeceeyay weerarrada Israa’iil ee Gaza, oo ay ku dhinteen in ka badan 29,000 oo qof.

Horseed Media