Xildhibaan Abshiroow oo loo dooortay Guddoomiye kuxigeenka 2aad ee Gloaha shacabka

Published: April 28, 2022

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Gloaha shacabka ayaa waxaa ku guuleystay Cabdullaahi Cumar Abshiroow oo codod dhan 146 kaga guuleystay Mahad Cabdalla Cawad oo ku haray 91 cod.

Cawad iyo Abshiroow ayaa si wada jir ah ugu mahad celiyay xildhibaanadii codka siiyay, iyagoo sheegay inay si wada jir ah baarlamaanka ugu wada shaqeyn doonaan.

Xildhibaan Abshiroow oo horay u ahaa wasiir ku-xigeenka kalluumeysiga ee xukuumadda R/W Rooble ayaa sheegay inuu ka shaqeyn doono isbadalka dhacay.

Labada Guddoomiye kuxigeen ayaa isla goobta lagu dhaariyay, iyadoo amaankooda ay la wareegeen ciidamada amaanka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *