Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka oo saaka ku geeriyooday Muqdisho

Published: April 18, 2020

Waxaa Magaalada Muqdisho ku geeriyooday Xildhibaan Aadan Xasan Cali oo loo yaqaanay Aadan Moobleen oo ka tirsanaa Baarlamaanka Federaalka, kaasoo muddooyinkii u dambeeyay ku xanuunayay Muqdisho.

Xildhibaan Aadan ayaa la xanuunsanayay cudurka macaanka, sidoo kale waxaa uu ka xanuunsanahayay dhanka kelyaha, waxaana maalmo ka hor Isbitaalka Yardimeli la gaarsiiyay mashiinka lagu dhaqo kelyaha oo xubno ka tirsan Baarlamaanka ka soo qaadeen Isbitaalka Digfeer.

Waxaa uu ahaa Xoghayaha Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka, waxaa uu ahaa Xildhibaan laga soo doortay dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Horseed Media, 2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *