Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Jubbaland oo Xasaanaddii laga Qaaday

Published: January 29, 2018

Xildhibaan ka tirsan Golaha Baarlamaanka Maamulka Jubbland ayaa laga qaaday Xasaanadda kadib markii lagu soo eedeeyey in uu ku lug lahaa arrimo ka dhan Maamulka.

Cabdi Maxamad Cabdiraxmaan Gudoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland War-qoraal ah oo ka soo baxay ayaa lagu sheegay in Xasaanaddii laga qaaday Xildhibaan Axmad Cabdi Xasan oo ku magac dheer Axmad Taajir

Guddiga Xeer hoosaadka iyo Anshaha Jubbaland ayaa sheegay baaritaano ay sameeyeen kadib ku ogaadeen in Xildhibaanka uu ku kacay falal been abuur ah.

Baarlamaank Jubbland ayaa bishii May ee sandkii 2017 Xasaanaddii ka qaaday Xildhibaanada kala ahaa Cabdiqaadir Ibraahim Cali iyo Maxamad Cali Yuusf

Warbaahinta gudaha ayaa sheegaysa in Xildhibaanka laga qaaday Xasaanadda uu waday Mooshin ka dhan ahaa Madaxweyanaha jubbland Axmad Madoobe.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *