Xildhibaan ka tirsan Jubaland oo laba habeen ku xiran xabsi kuyala dalka Kenya

Published: August 16, 2023

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland ayaa habeenkii labaad ku hoyanaya saldhiga degmada Mandheera, kadib markii Isniintii lagu xiray Koontaroolka magaalada.

Sida ku cad warqad dacwad ah oo wargeyska The Standard ee dalka Kenya soo xigtey, Yuusuf Maxamed Gurxan ayaa la qabtay isagoo heysta kaarka aqoonsiga Kenya oo la sheegay inuu si been abuur ah ku qaatay.

Dacwadda lagu soo oogey waxaa ku qoran in sanadkii 2006-dii, uu isu diiwaan geliyey sida qof Kenyan ah waxaana uu iska diiwaan geliyey waaxda Ruqa ee degmada Ijara Gaarisa, kadib waxa uu soo iibsatay kaarka aqoonsiga Kenya oo ay ku qoran yihiin magaca Yuusuf Maxamed Gurxan kaas oo ahaa ben abuur.

Madaxa waaxda dambi baarista ee dalka Gitari Muchira ayaa sheegay in inkastoo maamulka Beled Xaawo ee Soomaaliya uu codsaday in la sii daayo xildhibaanka, balse maalinta berri ah maxkamad la soo taagi doono.

“Waxaan helnay warqad ka timid Dhiinsiga Beled Xaawo oo uu ku codsanayno in la sii daayo eedaysanaha oo uu sheegay inuu yahay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Jubaland sababo la xiriira diblomaasiyada labada dal” ayay tiri waaxda dembi baaristu.

Maxkmadda la saarayo xil.Gurxan waxaa yimid ciidamo badan oo ka tirsan kuwa Kenya, waxaa arintaas cambaareeyey hay’adaha xuquuqul insaanka.

Maanta oo Arbaca ah ayaa lagu wadaa mar kale in la maxkamadeeyo kadibna xukunkiia lagu dhawaaqo.

Horseed Media