Xildhibaan Kenyan ah oo goob codbixin ku dilay qofkii la tartamaayey kaaliyihiisi.

Published: August 9, 2022
Shares486
Didmus Wekesa Barasa

Booliska magaalada Bungoma ee galbeedka Kenya ayaa baadi goob ugu jira xildhibaankii degmada Kimilili oo lagu magacaabo Didmus Wekesa Barasa ka dib markii toogasho ka dhacday goob codbixineed oo uu ku dhintay kaaliyihii la tartamayey, sida ay qorayaan warbaahinta Kenya.

Dhacdadan ayaa 6-dii makhribnimo ka dhacday Dugsiga Hoose ee Chebukhwabi, magaalada Kibingei halkaas oo ay ka socotey tirinta codadka doorashadii maanta ka dhacdey Kenya. Waxaa ku dhintay askari ilaalo u ahaa ninka ay aadka isugu dhawaayeen dhanka codadka ee Brian Khaemba oo ka tirsan xisbiga DAP-K.

Gudoomiyaha ismaamulka Bungoma galbeedka Kenya Samuel Kimiti ayaa sheegay in ay baadi goob ugu jiraan xildhibaanka dilka geystey.

Waxaan rabnaa inuu isku soo dhiibo bilayska meel kasta oo uu joogo. Haddii qof ka mid ah dadweynaha uu ku arko, ha ogeysiiyo bilayska,” ayuu yiri.

Booliska ayaa cabsi ka muujiyay in xildhibaanka uu u baxsaday dalka Uganda ee deriska la ah goobta dilku ka dhacay.

Sidee wax u dhaceen?

Sida lagu sheegay warbixinta dhacdada booliska, Mr Khaemba ayaa waxaa la socday ilaaladiisa markii uu gaaray goobta codbixinta ee Chebukwabi si uu goobjoog uga noqdo tirinta codadka. Waa halka uu kula kulmay Mr Barasa ee dilka geystey.

Laakin markii uu sii baxayay ayuu xildhibaanku ka daba baxay isagoo ku qaylinaya inuu istaago.

Booliska ayaa ku andacoonaya in Didmus Wekesa Barasa uu la baxay bastoolad oo uu ula jeestey kaaliyaha Mr Khaemba, Mr Brian Olunga, oo ku dhuftey xabadda.

Mr Olunga ayaa loola cararay isbitaalka Kimilili, halkaasi oo uu ku dhintay dhaawac ka soo gaaray rasaastii lagu ridey.

Didmus Wekesa Barasa oo ah Xildhibaanka geystey dilka ayaa wax ku bartey dalka Australia, sanadkii 2017 ayaa loo doortey Baarlamaanka Kenya.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *