Xildhibaano lagu doortay Muqdisho

Published: February 17, 2022

Cabdilaahi Cabdi Maxamed ayaa saaka loo doortay in xubnimada baarlamaanka 11 gaar ahaan Golaha Shacabka doorasho ka dhacday dugsiga tababarada ciidanka booliiska ee Janaraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho.

Murashax Cabdilaahi ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay HOP264 isagoo heley 85 cod oo gacan taag ah ka dib markii ay tanaasushay murashax Sacdiya Maxamed Cabdi, sida uu shaaciyay guddiga maamulka doorashooyinka gobolada waqooyi ee dalka.

Dhanka kale, ciidanka ammaanka ayaa si ka duwan sidii hore u sugay saaka amniga doorashada, waxaa gebi ahaamba la xirey waddooyinka soo galay ama ka ag dhow xarunta doorashada ka socoto Iskula Buluusiya ee magaalada Muqdisho.

Tani ayaa ka dambeysay markii todobaadkii hore naftii halige ka tirsan argagaxisada Alshabaab uu beegsaday gaari ay la socdeen ergada ka qeybgalaysa doorashada ka socota magaalada Muqdisho oo lagu dooranayo xildhibaanada gobolada waqooyi ee dalka.

Xildhibaanada kale ee maanta la doortay ayaa kala ah;

Nuuriya Aadan Ciise

Maxamed Xasan Maxamed

Faadumo Ismaaciil Xuseen

Sahra Yuusuf Cige

Caydaruus Saalax Yuusuf

Nuuradiin Col-ujoog.

Kuraasta xildhibaannada aqalka hoose ee Soomaaliland oo ka kooban 46 ayaa waxaa ka harsan oo keliya saddex mudane, kuwaas oo la filayo in maalmaha soo socda doorashadooda lagu qabto magaalada Muqdisho.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *