Xildhibaan Odowaa oo ka cudur-daartey guddigii Aadan Madoobe magacaabey

Published: August 9, 2022

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) ayaa diidey in uu qayb ka noqdo xildhibaano gaaraya shan Xildhibaan oo guddoomiyaha Golaha Shacabku magacaabey isaga oo ku sheegay guddi baaritaan ku sameeya buuqii ka dhacay baarlamaanka 07 Agoosto.

Odwaaa ayaa yiri:

Anigoo u mahad celinaya gudoomiyaha golaha shacabka JFS Mudane Sh Aadan Maxamed Nuur (Sh Aadan Madoobe), haddana waxaan ka cudur daaranayaa ka mid noqoshada xubinimada guddiga uu magacaabey. Xildhibaanada saxiibadeey ah waxaan kula dardaarmayaa in aan mar walba ilaalinno anashax iyo dhaqanka wanaagsan, xasuusnaana inaan nahay indhihii dalka.

Xil. odowaa

Xildhibaan Odowaa ayaa kamid ah Xildhibaanada khibradda leh, waxaana uu horey u sheegay in uu aaminsan yahay kala aragti duwanaanta.

Aadan Madoobe ayaan la aqoon waxa uu raadinaayo, iyo go’aanka uu doonaayo in ay ka qaataan guddiga uu magacaabey.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *