Aadan Madoobe oo guddi u saarey buuqii ka dhacay Baarlamaanka 7 Agoosto

Published: August 9, 2022
Shares444
Aadan Madoobe

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Baaralamaanka Jamhuuriyadda Federaaliga ah Sheekh Adam Maxamed Nuur ayaa guddi u saarey soo baara buuqii iyo fawdadii ka dhacay fadhigii lagu ansixinaayey golaha xukuumadda.

Buuqii ka dhacay Baaralamaanka ayuu ku sheegay “nidaam darro ka baxsan anshaxa”.

Guddiga oo ka kooban shan xildhibaan oo uu ka mid yahay Xildhibaan Odowaa, ayuu sheegay in ay shaqadoodu tahay baaritaan in ay sameeyaan, waraysiyo la yeeshaan xildhibaanada goob-jooga ahaa, kadib markii ay helaan xog ay ka soo talo bixiyaan tallaabada laga qaadayo xildhibaanada uu sheegay in ay fawdada kiciyeen.

Xildhibaanada buuqa sameeyey ayaa saxiixey mooshin ay ku dalabanayaan in Xamse Cabdi Barre la noqdo xukuumadda wakhti kalena qaato maadaama wakhtigii la siiyey uu kaga e kaa 5 Agoosto, waxaana ka dhex muuqanaayey ninkii la tartamey Adam Madoobe ee Xil. Xasan Cabdinuur, laakiin Aadan Madoobe ayaa diidey mooshinkaas,

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *