Muqdisho: Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ansixiyay Golaha Wasiirada cusub

Published: August 7, 2022
Shares272

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan uu shir gudoomiyey Gudoomiyaha Golaha shacabka Sheekh Aadam Maxamed Nuur (Madoobe) ku yeeshay Xarunta Villa Hargeysa.

Ajendaha kulanka oo ahaa ansixinta Golaha Wasiirada cusub ee Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa waxaa goobjoog ka ahaa 277 xildhibaan.

Ansixinta kahor waxaa buuq sameeyay qaar kamid ah Xildhibaannada oo dalbanayay in codeynta Xukuumadda laga dhigo qarsoodi balse Guddoomiye Aadan Madoobe uu diiday.

Buuqa kadib xildhibaanada ayaa cod gacan taag ah u qaaday ansixinta Golaha Wasiiradda cusub, waxaana si aqlabiyad leh ku ansixiyey 229 xildhibaan, halka ay diideen 7 xildhibaan , sidoo kale waxaa ka aamusay 1 mudane, sida uu ku dhawaaqay Sheekh Aadan Madoobe.

Sidoo kale guddoomiyaha Maxkamada sare ee Dalka ayaa isla goobta ku dhaariyay Golaha wasiirada ee maanta codka kalsoonida ah ka helay mudanayaasha golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *