Xildhibaan u geeriyooday dhaawac loogu geystay Magaalada Boosaaso

Published: March 2, 2023
Shares46

Alle ha u naxariisto Xildhibaan Cabdiraxmaan Xaaji Maxamed ayaa u geeryoodey dhaawac xalay fiidkii dabley hubaysan ugu gaysatay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Koox hubeysan aan illaa iyo hadda heybtooda la garan ayaa Xildhibaanka dhowr xabadood uga dhufteen qeybaha sare ee jirskiisa, taas oo keentay in uu soo gaaro dhaawac halis ah kadibna uu saaka u geeriyooday.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Xaaji Maxamed ayaa ka tirsanaa Golaha Deegaanka degmada Badhan ee gobolka Sanaag.

Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari waxaa maalmihii dambe ka dhacayey dilal qorsheysan oo loo geystay dad kala duwan.

Horseed Media