Xildhibaanadii gobolka Gedo oo codeynta laga reebay

Published: April 27, 2022

16-ka Xildhibaan ee laga soo doortay degmadda Ceelwaaq iyo 16-ka Xildhibaan ee Garbahaarey ee gobolka Gedo ayaa laga reebayaa codeynta doorashada guddoonka golaha shacabka.

Sidoo kale Taliyaha KMG ah ee NISA Xildhibaan Yaasiin Farey ayaa lagu dhaariyey hoolka, balse ma codey doono, isaga iyo xildhibaan kale oo HirShabeelle laga soo doortay, maadaama aysan heysan ID-cardka golaha shacabka.

Waxaa goordhow la guda galay doorashada guddoonka golaha shacabka, sida uu shaaciyey guddoomiyaha KMG ah ee golaha shacabka Cabdisalaan Dhabancad.

Waxaa la xaqiijiyey inay caawa codeynta ka harayaan xildhibaanadii lagu soo doortay Gedo, Yaasiin Farey, xildhibaan kale oo HirShabeelle laga soo doortay, kuna sugan hoolka, balse aan heysan ID-card iyo kuraas aan weli lasoo dooran oo ku dhiman HirShabeelle.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *