Xisbiga Ruto oo ku guuleystay Guddoomiyaha Gobalka Nairobi

Published: August 15, 2022

Murashaxa Xisbiga UDA Senator Johnson Sakaja ayaa ku guuleystay Guddoomiyaha gobalka Nairobi, arrintan oo qeyb ka ah guusha weyn ee xisbiga Madaxweyne-kuixgeenka William Ruto ka gaareen doorashadii dhacday todobaadkii tagay.

Sakaja oo horey usoo ahaa Senator ayaa ka guuleystay murashaxii uu watay xisbi xaakimka Uhuru ee Jubilee, Mr.Polycarp Igathe.

Gobalka iyo caasimada (Nairobi City County) oo ah tan ugu dhaqaale badan geeska Afrika ayaa si gaar ah isha loogu hayey xisbiga ku guuleysan doona Guddoomiyaha (Governor) oo loolan adag ahaa.

Guddiga doorashada IEBC ayaa Axadii shalay shaahadada guddoonsiiyey murashaxa guuleystay.

Waxaan rabaa inaan u mahadceliyo dadka reer Nairobi sida ay ii rumaysteen oo ay ii igmadeen xilkan iyo howshan aan ugu adeegayo guddoomiyenimada. Waxaan rabaa in aan u sheego in aad ku sugan tihii gacmo aamin ah oo daacad ah, anoo ku hadlaya magacayga iyo kan guddoomiye kuxigeenkayga Njoroge Muchiri

Senator Johnson Sakaja

Dhinaca kale hogaamiyaha xisbiga UDA Madaxweyne kuxigeenka William Ruto ayaa hogaaminaya cododka la tiririyey ee murashaxiinta Madaxweynaha, guddiga doorashada ayaa wakhtiga dastuurka u qabtay ku dhawaaqista murashaxa guuleystay uga egtahay berri oo ah Talaaddo.

Waxaa saaka oo Isniin ah sare loo qaaday tiradda ciidamada amaanka ee ku sugan xarunta Bomas oo fariisin u ah Guddiga doorashooyinka, goobtaasi oo looga dhawaaqi doono natiijada rasmiga ee doorashada Madaxweynaha.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *