Xisbiyada Mucaaradka ee Somaliland oo dib u dhigay banaanbaxyadii ay maanta dhigi lahaayeen

Published: June 11, 2022

Xisbiyada  Mucaaradka ah ee Somaliland ayaa dib u dhigay banaanbax weyn oo maanta lagu waday in uu ka dhaco degaanada Somaliland, kuwaas oo looga soo horjeeday in dib loo dhigo doorashada Madaxweynaha Somaliland.

Gudoomiyaha xisbiga Wadani Xirsi Cali Xasan ayaa sheegay in banaanbaxyadii maanta la baajiyay ka dib markii ay ka codsaday in ay dhexdhexaad bilaabaan Odayaasha dhaqanka ee Somaliland.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in banaaanbaxyada ay bilaaban doonaan haddii ay dhici weyso doorashada xilligii loogu tala galay.

Sidoo kale Gudoomiyaha xisbiga UCID ayaa dhankiisa sheegay in uu taageersan yahay guddiga isxilqaamay ee dhexdhexaadinta wadda.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *