Xisbiyada Mucaaradka Oo Soo Dhoweeyey Qodobada Shirkii Dhuusamareeb

Published: July 23, 2020

Qaar kamid ah xisbiyada mucaaradka ee Soomaaliya ayaa soo dhoweeyey war murtiyeedkii xalay kasoo baxay shirkii wadatashiga dowlad goboleedyada iyo dowlada federaalka Soomaaliya.

War saxaafadeed kasoo baxay madasha xisbiyada qaran ayaa lagu soo dhoweyeey shirka, iyadoo loogu baaqay madaxda dowlada federaalka ah iyo dawlad Goboleedyada inay si dhab ah u fuliyaan go’aanadii ka soo baxay shirka Dhuusamareeb.

Dhanka kale war saxaafadeed kasoo baxay xisbiyada mucaaridka ah ee Wadajir iyo Sahan ayaa lagu soo jeediyey wajiga 3aad ee shirka Dhuusamareeb in lagu casuumo xisbiyada mucaaradka ah si go’aan midaysan looga gaaro doorashada.

Madaxda dowlad goboleedyada iyo dowlada federaalka ayaa mar kale Dhuusamareeb ku yeelan doona shir labo todobaad ah oo lagu dhammeystirayo geeddi socodka doorashooyinka dalka, sida lagu sheegay war murtiyeedkii xalay.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedyada:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *