Xog iyo falanqeyn: Kulankii Madaxweyne Deni iyo Ururada Siyaasadda ee Puntland

Published: July 31, 2022
Shares6

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan la qaatey ururada siyaasadda ee Puntland ka diiwaan gashan waxaa goobjoog ka ahayd kulanka hay’adda kumeel-gaarka ah ee doorashooyinka TPEC.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni kulan la qaatey ururo

Inta badan ururada siyaasadda ee shirka ka soo qaybgalay ayaa soo dirsadey wakiilo oo kulanka ma aysan imaan guddoomiyaashoodu, marka laga reebo laba urur oo keliya.

Madaxweynaha Puntland ayaa khudbad dheer ku furey kulanka, waxaana uu ku nuux-nuuxadey sida ay uga go’an tahay in uu nidaamka Xisbiyada Puntland ka hirgeliyo, wuxu hoosta ka xariiqey in lagu dhaliilo karo in laga gaabiyey oo lagu mashquuley doorashooyinka federaalka, laakiin wuxuu xusey sida ay u foolxun tahay in dib loogu noqondo nidaamkii hore ee Puntland ku soo dhaqmeysey ee lagu doortey shan Madaxweyne iyada oo Xisbiyo siyaasadeedna aysan ka jirin.

Wakiilada Ururada siyaasadeed ee ka qaybgalay ayaa ku kala aragti duwanaa muddada yar ee harsan iyo doonitaanka Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ee wakhtiga iyo dhaqaaluhuba uga dhumeen, damaciisi ahaa in uu Puntland uga diga-rogto Muqdisho.

Qaar kamid ah urarrada siyaasadeed ayaa soo dhaweeyey, in wakhtiga yar ee harey lagu hirgelin-karo doorashada halka qaarna ay sheegeen in la eegayo sida ay Dowladdu u dhaqanto haddii wax lagu qaban karo 15 bilood.

Ururada SINCAD iyo HOSEED ayaa iyagu sheegay in ay adag tahay in wakhtiga aadka u yar wax lagu qaban karo. Waxaa gebi ahaanba maqan ama muran ku jirta Maxkamaddii sare ee Puntland, iskaba dhaaf Maxkamad Dastuuri ah oo la dhiso ayey ku doodeen, sidoo kale waxaa dooda ururadan macne u yeelay qaabka Xukuumaddu u dhaqantey saddexdii degmo ee hordhaca ahaa ee la doonaayey in lagu tijaabiyo kuwa kale.

Waxyaabaha la yaabka leh ee soo baxay doorashadii saddexda degmo ee sanadkii hore 2021 dhacdey ayaa ah in Madaxweyne Deni aaminsan yahay in TPEC hoostagto Wasaaradda Arrimaha Gudaha!, isla markaana ay tahay Wasaaradda Arrimaha Gudaha cidda maamuleysa doorashada!.

Kulanka caawa ee Madaxweynuhu la qaatey ururada siyaasadda waxaa ka soo qaybgalay Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Maxamed Dhabancad oo ururka KAAH wax xil ah ka hayn, sidoo kale waxa jirey kulan TPEC loogu yeeray xarunta wasaaradda arrimaha gudaha oo Madaxweynuhu ka qaybgalay, taas oo meelkadhac ku ah Madaxbanaanida TPEC.

XOG HELID

Ujeedada ugu weyn ee kulankan ayaa lagu macneyn karaa mid Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni uu doonaayo in u xog ka helo sida ururada siyaasadda PL u arkaan in uu boorka ka jafo Barnaamijkii Dimoqraadiyadda ee gebiga ka sii dhacaya.

Madaxweyne Deni waxaa horey loogu amaaney in uu ku dhiiradey barnaamijka Dimoqraadiyeynta, xili fiican bilaabey, laakiin, marka la eego sida ay ku dhamaatey saddexda degmo ee hordhaca ahayd, is casilaadii hoggaankii u sareeyey TPEC, ayaa dadka qaarkiis ku eedeeyaan in ayba ahayd riwaayad iyo olole doorasho oo ku wajahnaa Muqdisho, fariin Deni u diraayey reer Muqdisho in uu yahay nin Dimoqraadi ah, oo xisbigiisa xitaa laga adkaan karo, maadaama lagu shaabadeeyey hoggaamiye madax adag oo gar-maqaate ah.

Doorashada 2024

Waxaa soo dhawaatey oo albaabka garaaceysa doorashadii Puntland, waxaa kala miirmaya isbahaysiyo xoogganaa, waxaa sii kala fogaanaya saaxiibo Dowladda Madaxweyne Deni hoggaamiyo shuraako ku ahaa, waxaa la is-weydiinayaa Puntland dhabbaha ay qaadi doonto, waxaana jirta laba aragti oo isu dhaw, isku xiran oo is-kaabaya.

  • Aragtida kowaad: Waxay qabtaa in Doorashada goloyaasha deegaanka la sii wado, lagu qabto magaalooyinka waaweyn iyo kuwa ku xiga ee loo yaqaan (A & B), haddii la qaban karo, dhaqaale ahaan, amni ahaan iyo weliba xili ku habboon oo abaari aysan jirin.
  • Aragtida labaad: Doorashada Madaxweynaha iyo Xildhibaanada xilligeedi lagu qabto, loona qabto si nabdoon oo Puntland u qalanta, lana isticmaalo LIFAAQII lagu doortey Madaxweyne Deni iyo kuwii ka horeeyey, kadib Xildhibaanada soo baxa ay ku kala biiraan saddexda urur ee soo bixi doona sanadka u horeysa, wixii intaas ka danbeysa Puntland ay ka digo rogato nidaamkii beelaha ee mudada lagu soo caano maaley.

Haddaba sida laga fahmi karey kulanka Deni la yeeshay ururada, iyo xogo hore oo soo baxaayey, waxaa Madaxweyne Deni doonayaa in uu aragti saddexaad ku daro labada kore, aragtidaas waxay soo bixi doontaa hadba sida uu taageero ugu helo, taas oo keeni karta haddii aan heshiis laguwada ahayn in Puntland derbi madaxa ku dhufato.

Saacado kooban kadib Puntland waxaa u buuxsameysa 24 sano, waxaa u hirgalay wax badan, Madaxweyne Deni waxa uu qabtey wax la mid ah kuwii hore ay qaban jireen, sida Dowladnimada oo la sii wado iyo kaabayaasha dhaqaalaha oo wax laga qabto, laakiin waxaa loo saadaalinaayey in uu hirgelin doono Isbeddel-siyaasadeed oo aan horey Puntland uga dhicin, waxaase taas ceeryaamo ku qariyey markii Puntland u muuqan weydey ee hilaac kale u baxay natiijadii ay noqotey in uu hadda isku dayo dhaxal ka tago oo Puntland iimaansado.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *