Xoghayaha Guud ee QM oo soodhaweeyay Go’aankii dib loogu laabtay Heshiiskii Doorashada 17-ka September

Published: May 2, 2021
Berlin, Germany – November 04: Antonio Guterres, High Commissioner for Refugees of UNHCR, attends a press conference in german foreign office on November 04, 2015 in Berlin, Germany. (Photo by Michael Gottschalk/Photothek via Getty Images)

Antonio Guterres Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa soo dhaweeyey go’aankii Golaha Shacabka ee baarlamaanka wakhtigiisu idlaaday uu shalay ku meelmariyay dib usoo celinta heshiiskii doorashada ee 17-kii September madaxda ay ku gaareen Muqdisho.

Afhayeenka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Stéphane Dujarric ayaa sheegay in Antonio Guterres uu soodhaweeynayo go’aankan ,isagoo ugu baaqay dhamaan Saamilayda Siyaasadda in ay sida ugu dhakhsiyaha badan dib ugu bilaabaan wada xaajoodyadka doorashada iyo in ay heshiis is afgarad ah ka gaaraan qabsoomida doorashooyin loo dhan yahay oo aan dib u dhac dambe ku imaan.

“Xoghayaha Guud wuxuu soo dhaweynayaa go’aanka Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka uu ku ansixiyay ku laabashada Heshiiskii Doorashooyinka ee 17-kii Sebtember.” ayaa lagu yiri qoraa uu soo saaray Afhayeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *