Xubno Alshabaab ah Oo lagu Dilay Duqayn Ka Dhacday Gobolka Bay

Published: April 4, 2020

Shan xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa lagu dilay duqayn xagga Cirka ah oo ka dhacday Saacadihii lasoo dhaafay degaanka Xabaal- barbaar oo ka tirsan gobolka Baay.

Weerarkan oo ay iska kaashadeen Ciidanka xoogga Dalka iyo howl-galka Maraykanka ee Africom ayaa ahaa mid si weyn looga taxaddaray in aysan dhibaato kasoo gaarin Dadka rayadka ah ee ku sugnaa degaanada ay duqeeynta ka dhacday.

War kasoo baxay Africom ayaa lagu sheegay in ay sii wadi doonaan duqeymaha ka dhanka ah Argagixisada, iyagoo ka feejigan in ay waxyeello soo gaadho Dadka rayadka ah ee ku nool goobaha ay ku dhumaleysanayaan arga gaxisada.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *