Xubno ka socda Golaha aqalka sare oo u amba baxay Baydhabo

Published: September 17, 2018
by: Abdirahman. A

Wafdigii labaad ee ka socda Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee loo diro Dowlad Goboleedyada dalka si ay u baadi goobaan xal waara iyo isfaham ka dhex dhasha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada iyo sidoo kale madaxda Dowlad Goboleedyada dhexdooda ayaa maanta u ambabaxay Magaaladda Baydhabo.

Wafdigan ayaa ku wajahan Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed, Ujeedka Safarka ayaana ah xog ururrin dhab ah iyo xal waara sidii loo heli lahaa.

Wafigan oo uu hoggaaminayo senator C/llaahi Cali Garuun, ayaa waxaa ka mid ah Senator Xuseen Xaaji Cali,Senator Sam Sam Ibraahim Cali,Senator Axmed Macallim Cumar ” Axmed Nadiir”,Senator Faadumo Xasan Aadan Gariyow,Aadan Cabdi Aadan, C/fitaax Macallim Xasan,Maxamed Cali Maxamed Rooble iyo Ismahaan Fu`aad Xasan.

Wafdigii kan ka horeeyay ee Aqalka sare u diro Dowlad Gobolleedyada ayaa shalay gaaray magaalada Garowe ee xarunta Maamulka Puntland.

Aqalka Sare oo gudanaya wajibkiisa dastuuriga ayaa u istaagay sidii loo heli lahaa isfaham iyo wada shaqeyn dhab ah.

Horseed Media 2018