Xubno katirsan Alshabaab Oo Isku Soo Dhiibay Ciidamada Amaanka

Published: June 5, 2023

Ciidamada Amaanka ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa magaalada Baydhabo kusoo bandhigay 10 xubnood oo kasoo goostay argagixisada Alshabaab.

Xubnahan oo khawaarijta Alshabab u qaabilsanaa Jabhadaha ayaa kasoo howlgalay gobollada Jubooyinka, Baay, Bakool, Shabeellaha hoose, Shabeellada dhexe , Mudug iyo Hiiraan.

Waxay sheegeen sababta ku kaliftay inay kasoo baxaan Alshabaab ay tahay kadib cafiskii madaxweynaha dalka u fidiyey xubnaha kasoo laabta argagixisada.

Horseed Media