Xudur: Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ku dhawaaqay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab

Published: December 14, 2022
Shares2

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ka qeyb galay Xaflad soo dhoweyn ah oo ay u sameeyeen Shacabka Degmada Xudur ee Gobolka Bokool ayaa ayaa ku dhawaaqay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab.

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in Dowladda diyaar u tahay xorreynta ka qeyb qaadashada iyo taageerada Xukuumadda.

Sidoo kale Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa balanqaaday in la hirgelin doono adeegyo waxbarasho, Korontada, Xarumaha dhalmada iyo helida biyo nadiif ah.

Dhankooda, Masuuliyiin kala duwanaa oo ka hadlay Xafladda soo dhoweynta ayaa dhammaantooda codsaday in degaannada Gobolka si deg ah loogu dulqaado Al-shabaab, waxayna xuseen ay ku biiraan dadaalada dalka looga xorreeynaayo Al-Shabaab.

Horseed Media