Xukuumada Federaalka oo ka digtay banaanbaxyada Muqdisho!

Published: December 16, 2020

Wasiirka amniga xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Xundubey Jimcaale ayaa sheegay in bannaanbixii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho aan lasoo ogeysiin hay’adaha amniga.

Wasiirka ayaa tilmaamay in aan xilligaan loo baahneyn rabshado iyo in la carqaladeeyo amniga dalka, isagoo xusay in dastuurku oggolyahay in dadku ay muujiyaan dareenkooda balse ay tahay in laamaha ammaanka lagu wargeliyo si loo ilaaliyo amniga dadka isu imaanaya, si aysan ugu soo dhex dhuuman argagaxisada Al-shabaab.

“…Bannaanbax iyo cabasho waa wax la oggolyahay, dastuurkaa oggol, adduunyadaa oggol, caqligaa oggol, sharcigaa oggol, cid kastaa oggol, waa marka qof la ogyahay ujeedadiisa uu sheegay amniga uyimaado, markaas dowladda waxaa ka saaran in goobtuu tegi lahaa asoo nabdoon tago. Dowladnimadeynu waxey ku dhisantahay ra’yi ra’yi ka duwan lama diidana taas…”.

Wasiir Xundubey

Inkastoo mas’uuliyiinta dowlada mar walba sheegaan in shacabka xaq u leeyihiin inay fikirkooda banaanbax ku soo bandhigaan, hadana xukuumada Federaalka ayaa horey u mamanuucday kulamada ay dhigayaan mucaaridka sida banaanbaxyada.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *