Xukuumada Holland oo u burburtay dooda ka taagan siyaasadda magangalyo-doonka

Published: July 8, 2023
Shares2

Raiisel wasaaraha Holland Mark Rutte ayaa sheegay in iscasilaada ay sabab u tahay guul darradii ka dhex dhacday xulafada isbaheysiga xukuumadiisa oo ku heshiin waayey wax ka qabashada arrimaha qaabilaada dadka Qaxootiga ah.

Iscasilaadii maanta oo Jimce ah ee Raysalwasaare Rutte, ayaa soo afjareysa hogaamiyihii ugu xukunka dheeraa Netherlands kadib markii ay sii kala fogaadeen xisbiyada Isbaheysiga la ahaa oo ay ku kala aragti duwanaadeen qaabka loo wajahayo qaxootiga badan ee dalkaasi kusoo qulqulaya.

Rutte ayaa guddoominayey shirar habeennadii arbacadii iyo khamiistii lagu guuldarraystay in lagu heshiiyo wax ka qabashada tirada dadka magangelyo doonka ah ee dalka jooga.

Intii lagu guda jiray wareeggii ugu dambeeyay ee wada-hadalladii maanta, xisbiyadu waxay si wadajir ah u go’aansadeen inaysan ku heshiin karin, taasoo keentay, inaysan ku sii jiri karin isbaheysiga.

Tan ayaa soo dadjineysa in markale doorasho loo dareero si shacabka wadankaasi usoo doortaan Baarlamaanka cusub ee soo dhisi doona xukuumada.

Horseed Media