Xukuumadda Soomaaliya Oo Jawaab Adag Ka Bixisay Heshiis Baddeedkii Itoobiya & Somaliland

Published: January 2, 2024

Golaha Wasiirrada Xukuummadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya shirkiisa aan caadiga ahayn ee lambar: SHGW058.01.2024 ee qabsoomay 02 Janaayo 2024, uuna shir guddominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumaadda JFS waxay soo saareen qaraar ku saabsan xadgudubka Dowladda Itoobiya ee gobonnimada iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, Farxaan Maxamed Jimcaale, oo warbaahinta u akhrinayay bayaan kasoo baxay golaha xukuumadda, ayaa ku tilmaamay tallaabada ay dowladda Itoobiya qaadday mid gardarro ah oo halis galinaysa deris wanaaga, nabad kuwada noolaanshaha iyo xasiloonida gobolka.

Hoos ka akhriso bayaanka:

Horseed Media