Xukuumadda Soomaaliya oo ka hadashay Dab khasaare geystay oo ka kacay suuqa weyn ee Kismaayo

Published: October 5, 2022

Dab khasaare hantiyadeed oo lixaad leh gaystay ayaa xalay burburiyay qeyb kamid ah suuqa wayn ee magaalada Kismaayo.

Maamulka iyo Bulshada Magaalada Kismaayo oo gurmad sameeyay ayaa ugu dambeyn saqdii dhexe ku guuleystay daminta dabkaas.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa hadlay dabkaas khasaaraha geystay ee ka kacay suuqa Kismaayo.

“Waxaan murugada iyo xanuunka la qeybsanayaa dadka shacabka ah ee hantidooda ku wayay musiibada caawa ka dhacday suuqa ugu weyn ee Magaalada Kismaayo, Waxaana Alle uga baryayaa inuu badal khayr qaba ka siiyo hantida ay ku wayeen dabkaas.” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Sidoo kale waxa uu intaas sii raaciyey “Waxaa Alle mahadii ah in lagu guuleystay daminta dabka iyada oo aaney jirin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay dabka”

Horseed Media