Xulka Ivory Coast oo Ku Guuleystay Koobka Afrika

Published: February 12, 2024
Shares4

Xulka kubadda cagta ee qaranka Ivory Coast ayaa ku guuleystay Koobka Qaramada Afrika kadib markii finalka kaga adkaadeen 2-1 dhiggooda Nigeria, waxaana guushooda go’aamiyey gool uu waqti dambe u dhaliyey Sebastien Haller.

Ivory Coast oo lagu qabtay tartankan ayaa ku guuleystay Koobka, waxaana labada gool ee Ivory Coast ay yimaaddeen qaybta labaad ee ciyaarta, waliba xili ay ku dhowdahay dhamaadka ciyaarta ayay hogaanka u qabteen dhiggooda Nigeria.

Haller oo kasoo bogsaday xanuunka Kansarka, ayaa goolka ku leexiyey kubbad uu Simon Adingra ka keenay dhinaca iyadoo sagaal daqiiqadood ka hadhsan yihiin waqtiga dhamaadka.

Magaalada Abidjan ee caasimadda waddanka Ivory Coast ayaa ayay dabbaal-degyo is-qabsadeen, waxaana halkaas ka socda isu soo bax lagu wayneynayo guusha wayn ee xulkooda gaaray xalay.

Ciyaaryanka William Troost-Ekong oo goolka kali ah u dhaliyey Nigeria qaybta hore ayaa la arkayay isagoo murugo la fadhiistay garoonka dhaxdiisa.

Xulkan Galbeedka Afrika ayaa laba jeer oo hore kusoo guuleystay Koobka Qaramada Afrika sannadihii 1992kii iyo 2015kii, waxaanay noqdeen dalkii ugu horreeyey ee martigeliye ah ee ku guuleystay tantanka tan iyo sannadkii 2006, waqtigaas oo Masar ay martigeliye ahayd, kuna guuleysatay koobka.