Xulka Soomaaliya ee ku soo guuleystay koobka CECAFA oo lagu soo dhoweeyey Muqdisho

Published: October 17, 2022
Share1k

Xulka qaranka Soomaaliya ee 17 jirada ee dhowaan guusha ka gaaray ciyaaraha Bariga iyo Bartamaha Afrika CECAFA ayaa ka soo dagay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Madax katirsan Dowladda Federaalka iyo shacab kala duwan ayaa ciyaartoyda kusoo dhoweeyey garoonka.

Dagaal-deg weyn iyo soo dhoweyn ballaaran ayaa ka socda Magaalada Muqdisho oo inta badan la xiray waddooyinka muhiimka ah.

Xulka qaranka ee Soomaaliya ayaa ciyaartii u dambeysay ka adkaaday dhiggooda dalka South Sudan oo ay uga badiyeen 3-1.

Horseed Media