Xuska maalinta wacyigelinta Autism ka oo Muqdisho lagu qatey

Published: April 3, 2024
Shares22

Waxaa maalintii shalay ee Salaasada laga qabtey magalada Muqdisho xuska maalinta wacyigelinta Autisimka ee 02 Abril. Autismka waa naafonimada koritaanka, waxay dhacda marka ay maskaxda dhismayso, waxa ay ku bilaabantaa oo ay soo ifbaxdaa caruurnimada hore.

Xuska maalinta wacyigelinta Autismka waxaa ka qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya dr Cali Xaaji Aadan, waxaa munaasabadda xuska maalinta Autismka soo qaban qaabisey xarunta baahiyaha gaarka ah ee Mustaqbal.

Wasiirka ayaa xusay muhiimada ay leedahay in il gooni ah lagu hayo caruurta xaaladdan ay lasoo gudboonaato isla markaana ay helaan daryeelka lagama maarmaanka ah si loola tacaalo xaaladdooda isagoo sheegey in Wasaaradda Caafimaadka ay si dhaw ula socon doonto daryeelka caruurta laga helo Autismka, kana shaqayn doono sidii siyaasad looga yeelan lahaa caruurta Autismka qaba.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ayaa bogaadiyay xarunta Mustaqbal oo isu taagtay la tacaalida xaaladda caruurta Autismka wajahaysa isagoo dhiirigaliyay in la helo xarumo kale oo bixiya adeegga Caafimaad ay u baahanyihiin.

HORSEEDMEDIA