Xuutiyiinta Yemen oo qafaashay Markab laga leeyahay Israel

Published: November 19, 2023

Markabkan oo lagu magacaabo Global / Galaxy Leader ayaa la sheegay in maanta laga qafaashay Badda Cas.

Maamulka Israel ayaa ku eedeeyey falkan dowlada Iran, balse Xuutiyiinta Yemen ayaa la rumeysan yahay inay gacanta ku dhigeen.

Shirkadda Markabkan leh ayey xarunteedu tahay UK, balse waxaa shirkadaasi saami kuleh Maalqabeen Israa’iili ah.

Markabkan oo hada u kireysan shirkad Jabanees ah ayaa kasoo baxay dalka Turkiga wuxuuna kusii jeeday wadanka India.

Shaqaalaha saaran Markabkan ayaa la sheegay inay heystaan dhalashooyin kala duwan, balse kuma jiraan kuwo u dhashay Israel.

Xuutiyiinta Yemen ayaa asbuucii lasoo dhaafay shaaciyey inay gacanta ku dhigi doonaan dhamaan Maraakiibta laga leeyahay Israel.

Waxayna kooxdaasi sheegtay inay sii wadi doonto duulaanka ka dhanka ah Israel inta ay duqeynta ku wado Gaza.

Kooxda Xuutiyiinta oo gacan-saar laleh Xisbullahda Lubnaan iyo Xamaas ayaa la sheegaa inay taageero ka helaan dowlada Iran.

Tan iyo intuu bilowday dagaalka Gaza, kooxda Xuutiyiinta ayaa shan mar gantaalo ku tuuray xeebaha dhulka Israel ka taliso, iyagoona soo riday Drone uu leeyahay Militariga Mareykanka.

Horseed Media