Yaa beddeli doona hogaamiyihii la dilay ee Al Qaacida Al Zawahiri ?

Published: August 3, 2022
Shares404

Dowladda Mareykanka ayaa gantaal ku dishay hogaamiyihii Al-Qaacida Ayman Al-Zawahiri xilli uu taagnaa balakoonka gurigiisa oo ku yaala bartamaha magaalada Kabul ee dalka Afgaanistan, sida ay sheegeen saraakiil ku sugan magaalada Washington, waana dharbaaxadii ugu weyneyd ee soo gaarta Shabakada al-Qaacida tan iyo markii la toogtay Usama Bin Laden sanadkii 2011-kii. .

Haddaba waxaa la is weydiinayaa kuma ayuu noqon doonaa kan hoggaanka u qaban doona shabakadan ay xubnaha ka yihiin in badan oo kamid ah ururada xagjirka ah:

Sayf Al-cadil

Waa nin qarsoon oo fure u ah hawlagalada al-Qaacida waa sarkaal hore ee ciidamada gaarka ah ee Masar waa xubin sare oo ka tirsan Al Qaacida.

Mareykanka ayaa abaal-marin lacageed oo gaaraya 10-milyan oo doollar ugu yaboohay ciddii keenta xog horseeda in la la qabto ama la dilo.

Al-Adel ayaa lagu tuhunsanaa inuu ku lug lahaa dilkii Madaxweynihii Masar Anwar Saadaat sanadkii 1981-kii, wuxuuna Masar isaga baxay 1988-kii isagoo ka mid noqdey Malayshiyaadkii Mujaahidiinta ee la dagaalamaysay Midowga Soofiyeeti ee Afgaanistaan.

Waxaa loogu yeeraa sarkaalka darajada saddexaad ee Al-Qaacida, Al-Adel wuxuu gacan ka geystay qorsheynta weerarradii bambaanooyinka ee lala beegsaday safaaradaha Mareykanka ee Nairobi iyo Dar as Salaam 1998-kii, sida ay qortey Reuters, wuxuuna xeryo tababarro u sameeyay ururka al-Qaacida gudaha Suudaan, Pakistan iyo Afgaanistaan ​​sagaashamaadkii.

Ninkan ayaa qaar kamid ah warbixinadu sheegayaan in sanadkii 1993 uu kamid ahaa xubnihii ku sugnaa Muqdisho ee la diriray ciidankii huwanta ahaa ee Maraykanku hoggaaminaayey.

Sannadkii 2004-tii, xusuus-qorkii al-Adel ayaa la helay weerar lagu qaaday Sacuudi Carabiya. Doorkiisa ururka waxa uu ahaa tababare ahaan, hogaamiye ciidan iyo xubin ka mid ah la taliyaha amniga ee bin Laden.

Kahor inta uusan ku biirin Al-Qaacida waxa uu xubin ka ahaa ururka Jihaad ee Masar, kaas oo u heellanaa in uu dumiyo dowladda. Al-Adel ayaa lala xiriiriyay dilkii 2002dii lagu dilay saxafi Mareykan ah Daniel Pearl oo lagu dilay Pakistan, sida ay baarayaal Mareykan ah ku sheegeen warbixin. Natiijooyinka ay soo saareen baarayaasha Mashruuca Pearl ayaa shaaca ka qaaday in al-Adel uu kala hadlay afduubka Pearl Khalid Sheikh Mohammad, oo sidoo kale loo yaqaan KSM, eedaysanaha maskaxdii ka dambeysay weeraradii September 11, 2001, ee lagu qaaday Mareykanka.

Al-Adel waxa loo magacaabay hogaamiye ku meel gaar ah geeridii bin Laadin kadib.

Yazid Mebarek

Yazid Mebarek, oo loo yaqaan Abu Cubeydah Yuusuf al-Canabi, ayaa ku guuleystay inuu noqdo amiirka Al Qacida ee Maqrib 2020, markii weerar ciidamada Faransiisku qaadeen lagu dilay hogaamiyihii ka horreeya.

Waa muwaadin u dhashay Aljeeria, Mebarek waxa uu hawlo warbaahineed u maamuli jiray AQIM, isaga oo ku baaqi jirey in weerarro caalami ah oo ka dhan ah danaha Faransiiska lagu qaado.

Mebarek, oo 53 jir ah, ayaa laga hayaa hal sawir oo garkiisu cawlan yahay, waxa uu ka qayb galay dagaaladii sokeeye ee al-jeeriya ee islaamiyiinta iyo dowladda u dhexeeyey, waxaana uu xubin ka ahaa safafkii jabhaddii xagjirka ahayd ee GSPC.

AQIM waxay ka faa’iidaysatay qalalaasaha ka jira gobolka Saaxil si ay u noqoto mid ka mid ah shabakadaha caalamiga ah ee ugu firfircoon waxaana ay fuliyaan afduubka reer galbeedka iyo weeraro gaadmo ah.

Si kastaba ha ahaatee, falanqeeyayaasha ayaa rumeysan in AQIM ay lumisay awood ay ku qabsato kooxaha cusub ee mintidka ah ee Sahel, oo ah mid ka mid ah goobaha ugu muhiimsan adduunka ee dhaqdhaqaaqyada jihaadka, halka Mebarek la soo sheegayo inuu la il daran yahay dhaawacyo duug, oo aanu la mid ahayn hoggaamiyihii isaga ka horeeyey oo lagu tilmaami jirey mid abaabulkiisu sareeyo.

Abd Al Rahman Al-Maghrebi

Abd al-Rahman al-Maghrebi oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Morooko ayaa waxaa baadi goobaya FBI-da si ay su’aalo uga weydiiyaan xubinnimada Al-Qaacida. Wuxuu wax ku bartay dalka Jarlamka waana Kumbuyuutar Injineer ka hor inta uusan u wareegin Afgaanistaan ​​halkaas oo loo doortay inuu maamulo garabka warbaahinta ee ugu weyn Al Qaacida, ayay tiri FBI-da.

Dukumiintiyo laga helay howlgalkii lagu dilay Bin Ladin ayaa muujinayay in al-Maghrebi uu sanado badan ka mid ahaa xiddigaha kooxda. Wuxuu soo noqday maareeyaha guud ee Al-Qaacida ee Afghanistan iyo Pakistan.

Horseed Media + Wakaaladaha

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *