Yaa loo doortay Kursigii ay ka geeriyootay Xildhibaan Aamino?

Published: May 6, 2022

Doorashada Kursiga Hop#135, kaas oo ay ka geeriyootay Xildhibaan Aamino Maxamed oo lagu dilay qarax ka dhacay Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa xalay xilli dambe lagu qabtay Magaalada Jowhar.

Kursigaan oo degaan doorashadiisu aheyd Magaalada Beledweyne ayaa loo soo wareejiyay Magaalada Jowhar, waxaana ku guuleystay Maxamed Adan Daahir oo helay 52 Cod Musharrixiintii la tartantay ay kala heleen Maxamed Nuur Xuseen 48 Cod halka Amran Xuseen Isaaq ay heshay 1 Cod.

Kursiga Hop#135 oo Isha lagu haayay cidda loo dooran doono ayaa dadka isku soo sharaxay waxaa kamid ahaa Samiiro Maxamed Cabdi oo la dhalatay Alle ha u Naxariistee Xildhibaan Aamino balse tartanka aysan ka qeyb gelin.

Maamulka Hir-Shabeelle ayaa waxaa u haray doorashada kursiga Hop#086 oo horay loogu doortay la taliyaha Amniga Qaranka Fahad Yaasiin balse Guddiga doorashooyinka Heer Federaal ay diideen, iyaga oo go’aamiyay in doorashada Kursigaas lagu celiyo.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *