Banjul: Yahya Jammeh oo ku dhawaaqey in uu xilka ka degaayo

Published: January 21, 2017
Madaxweynaha cusub ee Gambia Adama Barrow oo xilka loo dhaarinaayo

Madaxweynihii hore ee Gaambiya Yahya Jammeh ayaa ku dhawaaqey subaxnimada sabtida in uu si rasmi ah xilka u wareejinaayo, isla markaana uu dalka ka baxaayo.

Kadib wada hadal dheer oo uu la qaatey Madaxweynaha Gini Alpha Conde iyo Madaxeynaha Muritaaniya Mohamed Ould Abudl azi maalintii Jimacada ayaa Yahya Jammeh go’aansadey in uu xilka ka dego, waxaana loo ballan qaadey in uu mid kamid ah dalalka Galbeedka Afrika uu qaxooti ahaan ugu noolaan karo isaga oo aan wax maxkamad ah la soo taageyn.

Yahya Jammeh ayaa hoggaaminayey Gaambiya muddo 22 sano ah, waxaana uu bishii Diseembar 2016 diidey in uu aqbalo natiijadi doorashada oo uu ku guuleystey Adama Barrow.

Dalka Gaambiya ayaa gebi ahaantiisuba ku dhexyaala dalka Senegal marka laga reebo xuduuda biyaha badda Atlantic, dalalka galbeedka Afrika oo ay ugu horeyso Sengal ayaa ballan qaadey haddii Yahya Jammeh xilka ka degi waayo in ay farogelin ciidan ku samaynayaan.

Madaxweynaha cusub ee Gaambiya Adama Barrow ayaa maalmo ka hor lagu dhaariyey safaaradda Gaambiya ku leedahay magaalada Dhakar ee dalka Senegal, si dalku aanu jaahwareer u gelin.

Lama yaqaano dalka u ku nolaan doono Yahya Jammeh oo horey inqilaab ugu qabsadey Gaambiya.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *